Taariikh:May 7, 2024

Wafdi ka socda dowladda federaalka ah oo ku wajahan Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, federaaleynta iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay halkaasi wadahadallo kula yeeshaan maamulka iyo madaxda Galmudug oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiir Sabriye inta uu ku uganyahay Dhuusamarreeb waxaa la filayaa inuu shirar la qaadan doonaa hoggaamiyaha Galmdugug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, wasiirka koowaad ee xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo hogaamiyaha Ahlusunna, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan

Wasiir Sabriye iyo wafdigiisa ayaa dadaal weyn ku bixin doona sidii madaxda Galmudug ay ugaa dhaadhicin lahaayeen in doorashada madaxtinimada Galmudug ay ku dhacdo xilligii loo qorsheeyay oo ku beegan bisha Luulyo ee sanadkan.

Madaxda Galmudug ayaa dhawaan shaaciyay in mudda xileedkooda uu ka billaabanayo kolkii ay heshiiska la sixiixdeen Ahul-sunna taasoo dib u dhigeysa xilliga doorashada madaxnimo ee maamulkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo ay kusoo afjarayso khilaafyada kala dhexeeya maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda iyadoo uu maanta Muqdisho ku sugan yahay hogaamiyaha maamulka, Jubalaan Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe si loo dhameystiro wadahadalladiii uu ra’iisul wasaare Kheyre Kismaayo kula yeeshay madaxda Jubbalaan Muqdisho u jooga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *