Taariikh:May 8, 2024

Dhismaha waax ka tirsan degmada Warta nabadda oo maanta la dhagax dhigay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalad Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta dhagaxdhigay dhismaha cusub ee ay yeelan doonto xarunta waaxda Barwaaqo oo ka tirsan degmada Warta Nabadda.

Guddoomiye Yariisow oo ka hadlay munaasabadda dhagaxdhigga waaxda Barwaaqo ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’antahay dib usoo nooleynta dowladda hoose ee bixin jirtay adeegga dadweynaha
“Maamulkeenna waxaa ka go’an in aan dib u dhisno xarumihii danta guud si shacabka loogu adeego,”

Waxaa uu sheegay Yiriisow in marnaba aaney saameeyn ku yeelan doonin shaqada dowladda hoose falalka cabsigelinta ah ee ka imaanaya kooxaha argagixisada ah.

Waxaa uu intaa ku daray daray in ay si weyn isugu howlayaan daadajinta adeegyada ay dowladdu siiso shacabka iyo fududeeynta helitaanka adeegyadaas.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa gobolka ka hirgaliyay mashaariic dib loogu howlgalinayo xarumihii dowladda kuwaa oo ka qeybqaata ammaanka sida saldhigyada degmooyinka iyo kuwa bixiya adeegyda asaasiga ah ee ay bulshada u baahantahay intaba.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka ayaa maanta tababar aqoon korsi ah u furay shaqaale ka tirsan waaxda maaliyadda iyo dakhli uruurinta dowladda hoose taasoo sare loogu qaadayo tayada aqooneed ee shaqaalaha ka shaqeeya waxaadfa maaliyadda iyo dakhli uruurinta gobolka.

“Waxaa naga go’an in la horumariyo aqoonta howl wadeennada Waaxda Maaliyadda iyo Dakhliyada Dawladda Hoose, tanoo qayb ka qaadanaysa kordhinta dhakhliga, Maamul wanaagga iyo hannaan kalsooni gelinaya bulshada Caasimadda loogu adeego,” ayuu yiri injineer Yariisow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *