Taariikh:May 7, 2024

Wasiirka Warfaafinta Soomaalilaan oo la xiray

Booliska Soomaalilaan ayaa shalay galinkii dambe xabsiga u taxaabay wasiirkii warfaafinta iyo dhaqanka ee maamulkaas, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Faarax (Guri-barwaaqo).

Xarigga wasiirka ayay xaqiijiyeen qaar ka tirsan qoyskiisa walina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada booliska ee xiray wasiirka.

Maanta ayaa la filayaa in uu kasoo hor muuqdo maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa si loo dhageysto eedeymaha loo heysto iyo caddeymahooda.

Amarka lagu soo xiray Guri barwaaqo ayaa la sheegay in uu kasoo baxay xafiiska hanti dhowrka guud ee maamulka Soomaalilaan, waxaana jira warar sheegaya in wasiirka loo xiray arrima musuqmaasuq la xiriira.

Muuse Abees, oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda ayaa iminka si ku meel gaar ah usii wada shaqada wasaaradda.

Guri barwaaqo ayaa xilkan loo magacaabay dabayaaqadii sanadkii 2017-kii.

Xafiiska hanti dhowrka Soomaalilaan ayaa wada dabagal uu ku samaynayo madaxda hay’adaha waaweyn ee maamulka si loola dagaallamo musuqa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *