Taariikh:May 7, 2024

Haddii Diblomaasiyaddii Shaqeyn Waysay, Sharciga Caalamiga Ah Ayaan Doorannay.

Madal Diblomaasiyadeed waxaa ugu wayn Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Sababta loo aasaasay ayaaba ah in diblomaasiyadda oo ka mid ah farsamooyinka lagu meel mariyo Siyaadaha Arrimaha Dibadda lagu hormariyo, haddii ay shaqayn wayso na la qaado tallaabooyin kale si xiriirka caalamiga ahi u shaqeeyo, colaadna looga fogaado.

Madaxweynaha Kenya oo madashaas ka qudbeeyay ayaa sheegay in dalkiisu rumaysan yahay in diblomaasiyad lagu xalliyo dhibaatooyinka Afrika oo ay ugu horreyso dacwadda ay Soomaaliya ka gaysay Kenya maxkamadda Caddaaladda Adduunka. Hadalkaasu wuxuu u dambeeyay isku dayo badan oo heer gobol iyo caalamiba ah oo ay Kenya ku doonaysay in meel aan ICJ ahayn lagu dhammeeyo kiiskaan. Intaas kuma simmine waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu la kulmay oo ay xiriirka labada dal ka wada hadleen- iyo dabcan arrintaan.

Haddii aan run sheego, aaminaadda aan madaxweynaha ku qabo oo aad u badan waxaa ka sii waynayd walaaca aan ka qabo waxa ka run noqon kara hadalka Uhuru, dambina ma ahan taas oo madaxweyne Farmaajo waa hoggaamiyaha dalka, laakin badda la isku haysto waan u simman nahay isaga iyo malyamaadka kale ee Soomaalida ah, cid iiga wakiil ahna ma jirto jacaylka iyo lexa jeclada aan u qabo dalkayga.

Khudbadda Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay madasha UNGA, ayaa se jawaab qorraxda ka cad ka bixisay shakiga dad badan ka gali karay arrintaan. Isaga oo jooga madasha diblomaasiyadda oo ah waxa ay Kenya wax ku doonayso, isaga oo la hadlaya madaxda adduunka oo shirkaan ka soo qeyb gashay, isaga oo metelaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu sheegay in diblomaasiyad lagu xallin waayay muranka labada dalka, kaddibna ay Soomaaliya dacwad u gudbisay ICJ. Waxa uu mowqifka Soomaaliya ka yiri,

“Soomaaliya maadaama oo ay tahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ayna qayb ka tahay una hoggaansan tahay Sharciga Maxkamadda, waxa ka go’an inay ka dhur sugto dhammaadka hannaanka xalka garsoorka. Soomaaliya waxay ballanqaadday inay u hoggaansami doonto xukunka kama dambaysta ah ee Maxkamadda iyo inay aqbasho xadka ay Maxkamaddu jaangoyso. Maadaama arrintu tahay mid la xiriirta sharciga caalamiga ah, xukunka Maxkamaddu waxa uu sidoo kale qabanayaa Kenya. Waxaannu ku kalsoonnahay in marka xukunka la soo saaro isla markaana la jaangooyo xuduudda, in xal waara loo heli doono khilaafka muddada dheer soo jiitamay.

Waxa intaasi dheer in 3-dii September 2019 Golaha Nabadgelyada iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay caddeeyeen in Midowgu aanu awood u lahayn inuu farageliyo kiiska oo hadda horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah”.

Madaxweynuhu, Waxa uu intaa raaciyay in kulankii uu qabanqaabiyay madaxweynaha Masar ee uu la yeeshay Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ka caddeeyay mowqifkaas.

Haddaba, dacwaddaas lama oga cid ku guulaysan doonto, waxay se tahay in madaxweyne Farmaajo iyo guud ahaan dowladda Soomaaliya looga mahad celiyo ama loogu hambalyeeyo sida ay u guteen in ay dalka iyo dadka ku hoggaamiyaan waddada ay doorteen ee ah in si sharciga caalamiga ah waafaqsan lagu dhammeeyo dacwadda badda ee nagala dhaxeeysa Kenya.

Ugu dambayn, Soomaali waa ku qanci doontaa go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamaddaas – Racfaan la’aanta maxkamadda iyo khiyaar kale oo aan maanta noo furnayn darteed. xukuumadda na waxaan ka rajaynaynaa in aysan u jilcanaanin cadaadis kasta oo la saaro iyo sirsirasho kasta oo lala yimaado.

Madaxweyne, New York maadan iska tagin adiga oo xushmaynaya kulanka Qaramada Midoobay, ee waxaad gaysay aragti iyo mowqif Soomaaliyeed, taariikhda ayaana xusi doonta adiga iyo dhammaan dadkii kaalinta ku lahaa difaaca sharafka iyo dhulka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *