Taariikh:May 7, 2024

Saldhigga dowladnimadu waa sarreynta sharciga ee ma ahayn rabitaanka madaxda- CASHARO!

Wuxuu u arkaa cadaw. Keliya ma aha cadaawad uu dalkiisa u hayo ee wuxuu rumeysan yahay in adduunka oo dhan uu halis ku yahay, gaar ahaan Bariga Dhexe ee uu xasiloonni darro ka abuurayo; hami weyna uu kaga jiro siduu hubka wax gumaada uu mar uun gacanta ugu dhigi lahaa. Donald Trump wuxuu cuna qabateyn dhan walba ah saaray Iran, laga billaabo iib geynta shidaalka, xawaaladaha bankiyada illaa shaqsiyaadka xiriirka la leh maamulka Hassan Rohani.

Boris John oo RW-dalka UK ah wuxuu ku dagaalamay in baarlamaanka uu 5 isbuuc shaqo joojin lagu sammeeyo, si uu xisaabtan la’aan u meel mariyo qorshihiisa Brexit, boqoraddana codsiga uu u jeediyay way ka ogolaatay.

Ayadoo ay Iran ayaamo ka hor uu Maraykan ku eedeeyay in ay duqeysay Aramco, oo sahayda shidaalka adduunkana 5% is dhintay waxyeelada soo gaartay shirkaddaas darteed ayuu haddana Donald Trump wuxuu awoodi waayay in madaxweyne Hassan Rohani uu u diido dal ku galka iyo safarka uu ku tagayo xarunta UN-ka ee Maraykanka. Rohani asagoo jooga dalka Maraykanka ayuu si kulul u la hadlay Trump, haddana wuxuu ugu sii daray in uu diiday in uu la kulmo fool ka fool.

Go’aankii shaqo ka joojinta baarlamaanka ee uu RW Boris Johnson qaatay, boqoraddana ay ku raacday, waxaa diidday maxkamadda sarre oo ay hoggaamiso Lady Hale. Boris Johnson iyo boqoraddaba waxay ku qasbanaadeen in ay raacaan go’aanka maxkamadda.
Madaxweynihii ugu xoogga weynaa ee adduunka ayaa wuxuu awoodi waayay in uu dalkiisa u diido in uu soo galo cadawgiisa koowaad, halka boqoradda adduunka ugu magaca dheer iyo RW-heedaba ay awoodi waayeen in ay ka tallaabsadaan go’aan ay gaartay gabar maxkamad ka shaqaysa.

Congress-ka Maraykanka ayaa mooshin xil ka qaadis ka dhan ah Trump billaabay ayadoo ay eeddu tahay in uu Ukraine ka dalbaday in murashaxa xisbiga ka soo horjeeda ay baaritaan ku furto si uu u sumcad dilo taas oo u fududeyn karta in uu ka guuleysto.

Isbuucaan keliya waxa ka dhacay dunida ayaa Soomaalida ugu filan in ay ogaadaan in saldhigga dowladnimada uu yahay sarreynta sharciga ee uusan ahayn rabitaanka qofka markaas ku fadhiya kursiga hoggaanka dowladda.
Anagoo arkayna maalin walba halka ay dowladnimadeena ka bukto, ayaan qabyaalad u saarinaa eedo aysan aslanba lahayn!

Qore: Xasn Aadan Hoosow
Email: hosow@ualberta.ca

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *