Taariikh:May 8, 2024

Soomaaliya oo caddeysay in Buuraleyda Golan ay tahay dhul xoog looga heysto Suuriya

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mowqifka Soomaaliya ee ku aadan buuraleyda Golan uu yahay mid cad waxaana Soomaaliya ay dhulkaasi u aqoonsan tahay dhul ay leedahay Suuriya oo ay xoog iyo sharci darro ku heysato Israaiil.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheesy in Iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saaray, ay Soomaaliya xoojibeyso in lagama maarmaan ay tahay in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u aragto go’aan walba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israaiil ee buurralayda Golan in uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Axdiga Qaramada Midoobey, xiisadna ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida.

Ugu danbeyn Soomaaliya ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka in si mideysan loogu wada istaago si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul.

War saxafadeedkan ayaa ku soo aaday iyada oo todobaadkan ay safiirka Soomaaliya ee Jineefa ay ka aamustay kulan uu Golaha Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadanaha uu cod u qaaday go’aanka madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu Buuraha Golan ugu aqoosaday dhul ay Israa’iil leedahay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u yeertay, Faadumo Cabdullaahi Maxamuud oo ah safiirka Soomaaliya ee Jineefa iyo u qaabilsanaha Soomaaliya ee guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay si wax looga weydiiyo sababta ay uga aamustay codeynta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *