Taariikh:May 7, 2024

Shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo ka furmaya Muqdisho

Magaaladda Muqdisho waxaa maanta ka furmaya shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo markii u horeysay lagu qabanayo dalka, Iyadoona amaanka magaalada aad loo adkeeyey.

Shirkaan ayaa lagu qaban jiray dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Yurub, dalalka lagu soo qabtay waxaa kamid ah England, Belgium-ka iyo kuwo kale.

Markii u horeysay ayaa shirkan lagu qabanayaa Muqdisho taas oo kamid ah waxyaabaha badan oo Wasaaradda Arrimaha dibada dalka ku guuleysatay.

Waxaa ka qeyb galay in ka badan 50 Dowladood oo Reer Galbeed ah kuwaas oo daneeya arrimaha Soomaaliya, Shirkaan ayaa Mudnaan gaar ah u leh Soomaaliya.

Waxyaabaha looga hadlayo waxaa kamid ah Arrimaha Bulshadda, Caafimaadka, Dhaqaalaaha, Siyaasadda, Cadaaladda iyo Arrimo kale oo muhiimad badan leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *