Taariikh:May 8, 2024

Akhriso nuxurka Wareysiga Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Danjire Yamamoto: “Hada waxaa jira caqabado, balse waxaa hareer yaala fursado iyo rajo, Caqabadaha markaan eegno waxa ka mid ah abaaraha haysta Soomaaliya iyo wadamada berriga Afrika, taasoo ah mid aad u xanuun badan, waxa ay saameynaysaa laba milyan iyo laba boqol oo kun oo Soomaali ah, laakiin Mareekanka waxaa ka go’an taageerida iyo caawinta shacabka Soomaaliyeed, mustaqbalka waan wajihi karnaa baahiyaha cunada. meesha labaad ee rajada aan ka qabno oo aanu arkayno waxaa weeye badi fursadaha iyo dadaalka ka socda  Soomaaliya oo aan dhabtii arkin muda dheer, waxaan doonaynaa inaan sheegno in dadka Soomaaliyeed iyo maamulkoodu ay si dhab ah u wajahayaan baahiyahaan taagan’

Mareekanka waxaa uu balan qaaday sanadkii tegay 900 milyan oo doolar side loo hirgeliyay deeqdani?

Danjire Yamamoto: “Tani waa arin aad muhiim u ah, Soomaaliya ma aanay helin wax badan oo caawin ay isticmaasha waqti dheer laakiin sanadihii dambe waxaa aad u kordhay kaalmada la siinayo, kaliya gargaar beni’aadanimada ma aha sidookale waxaan wax ku bixinaynay waxbarashada, sababtuna waxaa weeye Aqoontu aad u hormarisaaa iyo waxbarashada si guud waa furaha horumarinta dhaqaalaha, taasi waa mid koowaad midda labaad waa dadaalka shaqo ee abuurida fursadaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, waxaan abuurnay 117 shaqo sanadkii u dambeeyay ee 2018-ka,  waxaan kale oo aanu eegaynaa kordhinta horumarinta dadaalada wax soo saarka sida kalluumaysiga, Tacabka beeraha iyo wixii ay soo saaraan, sidookale waxaa diirada saaraynaa tababarada oo ah arin la xiriira dhinaca aqoonta, si aan u fiirano sida aan u balaarin karno fursadaha ay helayaan dhallinyarada Soomaaliyeed  oo ah 70% dadka Soomaaliyeed”.

Horaantii bishaan waxaa biloowday olole loogu magacdaray hiigsiga dhallinyarada Soomaaliya mana siin kartaa faahfaahin dheeri oo la xiriirta ololahani?

Danjire Yamamoto: “Qaaradan Afrika si guud way dhaqaaqaysaa si gaar ah Soomaaliya hore ayay u socotaa, qola kasta oo haysata xoog shaqo oo wanaagsan iyo dhallinyaro waxay haysataa hanti Qaran,  markaad eegto galbeedka Yurub, Mareekanka iyo Aasiya dadku waa ay sii duqoobayaan, laakiin Afrika aad bey u da’yaryihiin dadkooduna waa faa’iidada Qaaradani ay haysato, waa inaynu sameynaa u diyaar garoow Afrika oo dhan ah iyo Soomaaliya mustaqbalka, xasuuso labadii qof ee dunidaan ku dhalata mid ka mid ah wuxuu noqonayaa Afrikaan, marka waxaan doonaynaa inaan wajahno baahiyaha, rajada iyo dhiiragalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, hadana ololuhu waxa uu u socdaa si aad iyo aad u wanaagsan.

Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa inay yihiin 70% dadka Soomaaliyeed si walba dhibta ugu badan ee haysataa waa shaqo la’aanta Dowladda Mareekanka maxay sameynaysaa si dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu taageerto shaqo u abuurida dhallinyarada?

Danjire Yamamoto: “Waxaa jira wadiiqooyin kala duwan mida koowaad kaliya ma ahan in la abuuro kaabayaasha dhaqaalaha, waxaa kale oo jira mashruuc lagu abaabulayo laba kun oo kalluumaysata ah, waxaan kale oo aan qaabeynay hanaan ay kalluumeysata uga faa’iidaystaan kheyradka badda, ma doonayno in dalal kale la baxaan kheyraadka badda waayo waa in Soomaalidu sameeyaan howshani si ay faa’iido uga helaan, mida kale waa in la abuuraa jawi ay ku wada shaqeeyaan haweenka ganacsiyada ku jira,  ganacsatada iyo hogaamiyayaasha bulshada, hada Muqdisho waxaa ka soconayo hal qorshe oo 2500 oo shaqo wax soo saar ah maalinle ah, kaa soo sii balaaranayo, midda sadaxaad waxa weeye dhinaca beeraha in wax soo saarka la balaariyo oo la dhiirigeliyo beeraleyda Soomaaliyeed, markaa kadib waxaan eegaynaa isdhaxgalka garoomada diyaaradaha iyo dakadaha inay leeyihiin adeegyadii caalamiga ahaa ee laga rabay taasi macnaheedu waa in Soomaaliya halkaasi lacag badan ka sameyso si faqriga ay uga baxdo, Soomaalidu ay u bilaabato lahaasho, ujeedkeena hadii aan nahay Mareekanka waa in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatadoodu ay ka faa’iidaan kheyroodkooda, ma aha in dadyow iyo dalalkale ka faa’iidaan oo tani waa waxa Soomaalidu leeyihiin”

Dhinaca kale ciidanka Soomaaliya waxa ay horumar ka sameynayaan dagaalka lagula jiro kooxa nabad diidka ah, waa maxay doorka Mareeykanka ee hannaanka xasilinta Soomaaliya?

Danjire Yamamoto: “Mareekanku waxaa ay taageerayeen islamarkaana caawinayeen howlgalada ka dhanka ah Nabad diidka ah, basle xasilintu waa howl aad muhiim u ah markaad eegto meelihii dhawaan laga saaray sida Sabiid Caanoole iyo Bariire meelahaas ka baxay gacanta nabadiidka, waxaan doonaynaa waa in dadka ku nool loo ogolaado inay ka faa’iidaystaan awoodooda dabiiciga iyo an la siiyo fiursado waxbarasaho, caafimaad iyo fursado shaqo, waana taa waxa aan xaqiiqdii annagu sameynayno, waxaan u malaynayaa in ay tahay waxa u wanaagsan mustaqbalka Soomaaliya, hada waxaa jira caqababado ay sabab u yihiin Al-Shababa waayo kaliya saddax meelood hal meel oo dadka mid ah ayaa heli kara  waxbarashada, barnaamijkeenu hirgelintiisa kadib waxaan rajaynaynaa in 100% dadku ay heli karaan fursado waxbarasho, mida kale oo aan sameyneyno waxa ay tahay waa shaqo abuurka, waana mida u noqon karta furo dhab dadka Soomaaliya, sababtoo ah waxaan ognahay in ka badan kala bar dadka Soomaaliyeed inay yihiin shaqo la’aan, waxaan u baahanahay inaan wax ka qabano una raadino fursado, waayo hantida ugu weyn ee Soomaaliya haysato maanta waa dhallinyarada, waana in dhallinyaradu dareemaan inay yihiin mustaqbalka dalkaan.

Sanadkii tagay lacagtii aad balan qaadeen waxay ku dhaweed hal bilyan oo waxa ay aheed 900 milyan Soomaaliya soo kabasho ayay ku jirtaa, waxayna u baahan tahay maalgalin muxuu yahay qorshihiina sanadka xiga?

Danjire Yamamoto: “Waxaan xoogga saareynaa in aan kordhino waxbarashada, una horumarino kaabayaasha dhaqaaalaha ee Soomaaliya, waxaad arkaysaa inay u baahan tahay  dhaqaale iyo maalgalin balaaran, sidaad ogtahay dowladdu ilaa Feberaayo sanadka soo aadan, waxa ay la hadlaysaa hey’adda lacagta adduunka IMF si deymaha looga cafiyo, sababtoo ah arintaan muhiim ayay u tahay, Mareekanku waa mid ka mid ah wadamada ugu badan ee leh deymaha Soomaaliya lagu leeyahay, balse waxaa jirta rajo wanaagsan, marka lacafino deymaha oo ay ka dhamaato si cad waxaan arki doonaa lacaga badan oo maalgalin ah, deyma ay dani ugu jirto iyo ganacsiyo waa weyn, marka waxaa arki kartaa 10 sano ee soo aadan inay u tahay fursad weyn dhaqaalaha Soomaaliya, xaqiiqdii waxa jirta rajo badan marka laga hadlayo Soomaaliyada aan raadinayno dhabtii dhaqaalaheed waa kordhayaa, marka loo eego wadamada gobolka, Marka loo eego markii aan xireenay safaaradeena 27 sano ka hor hada Soomaaliya way cusub tahay, waa ay furan tahay waxaa leedahay kaasoo ka dhigi kara mid wanaagsan”

Sida aad sheegtay Soomaaliya waxay la hadlaysaa Hey’adda lacagta iyo bankiga adduunka dowladdana dadaalo ayay sameynayaa, sidaan ognahay Mareykanka waa mid ka mid ah wadamada uga badan ee deymaha ku leh Soomaaliya ma qorsheynayaa Mareekanka inuu deymaha ka cafiyo Soomaaliya?

Danjire Yamamoto: Haa Mareykanka waa ay ka go’an tahay cidwalba waa ay u taagan tahay, waxaad ii ogalaataa inaan dib u noqdo bila ka hor si aan u hubino inaan isku mel u socono, si guud Soomaaliya sidii loo taageerayo waa si aan horey loo arag kaliya dalkaan ma aha oo qaaradda Afrika oo idil ayaa loo taageerayaa, waxaan u malaynayaa markaad eegto caqabaha ka jira Suudaan Khartuum, Koofurta Suudaan, dhibta ka aloosan  Kongo, cudurka Ebola markaan ku fiiriso dhabtii Soomaaliya waa wadan barwaaqo ah waa wadan hodan ah, waa inaan ka taxadarnaa oo meel sare iska taagnaa, waxaa naga go’an inaan hubino in horumarka Soomaaliya uu sii socdo, sidoo kale waxaan ka aragnaa Midowga Yurub, Midowga Afrika, Qaramada Midoobey iyo dalalka waan ugu yeeraynaa inay ka qeyb qaataan taageerada Soomaaliya, Turkiga oo kale wax badan ayuu qabanooyaa, waan la shaqeynaynaa Turkiga, Imaaraatka, Qatar, Sacuudiga, iyo wadamada kale ee Barriga dhexe, Soomaaliya waxay ka mid tahay Ururka Iskaashiga Islaamka, iyaga waa ay awoodaan inay kaalmo iyo taageero siiyaan, marka waxaan doonaynaa inaan sameysano iskaashi wadamadaan oo idil ka dhaxeeya, waayo hadii aan isku kaashano Soomaaliya waxay gaari kartaa guul weyn.

Waxyaabaha muhiimka ah ee ay sameynayso dowladda Soomaaliya waxa ka mid ah dib-u-habeynta hey’adaha dhaqaalaha dalka, waxan ka hadalnay IMF dhinaca kale waxa la dhisayaa kaabayaasha dhaqaalaha  ma qorsheynaysaan inaad taageertaan arrintan?

Danjire Yamamoto: “Haa waa mid ka mid ah meelaha muhiimka ah, waxaan eegaynaa heerarka horumarka socda hadii ay ahaan lahaayeen kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta kheyraadka, waxbarashada iyo Caafimaadka waa inaan iska kaashanaa laakiin waxbarasho wa inoo muhiim, Tababarada shaqooyinka iyo dhabtii Soomaaliya la siiyo fursado awood ay ku hubin karto horumarka dhaqaalaheeda iyo sida uu ku baxo, dhawaan waxa la magacaabay guddoomiyaha Bankiga dhexe, bankigu waxa uu sameynayaa horumar aad u balaaran, waxaan ka bartay hal arin oo ah in Soomaaliya ay u suura gashay oo ah inay xiriir la yeelato hey’adda lacagta Mareekanka ee fadhigeedu yahay New York iyo hey’adaha kale ee caalamiga ah ee adeegyada bankiyada bixiya, waxyaabaha Soomaaliya ay samaynayso waa horumar, balse Mareykanku waa uu garab taaganyahay Soomaaliya 100% si loo hubiyo inay guul gaarto iyo inay ka faa’iidaysato kheyraadkeeda iyo xirfadaha ay leedahay”

Mareykanku waa mid ka mid ah deeq bixiyayaasha ugu badan Soomaaliya sidee ku hubisaan in dhaqaalaha aad bixisaan ay gaareen dadkii mudnaa?

Danjire Yamamoto: “Waaw taasi waa su’aal weyn sababtoo gargaarku ruuxiisu ma noqon karo mid joogta marwalba, gargaarku waxa uu sameynayaa waa inuu abuuro fursad, kaasoo Soomaaliya ay ka faa’iidi karto, marka deyn cafinta iyo  waxa ku hareeraysan, waa inay dhacaan si loo helo maalgalin balaaran iyo deeqo waa weyn, waxaana wadadaa loo isticmaali karaa abuuridda dhaqaalaha, marka hadda waxaan sameynaynaa in kaalmada xuduuda ka gudbino dalba dal, waa arin wanaagsan taasi laakiin dalna dalkale ma heyn karo, kumana tiirsanaan karo, waan inaad adigu isku hormarisaa hantidaada, kheyraadkaaga iyo hal abuurkaaga, taas ayaa wanaagsan, waan inaad horumar sameysaa si aad ugu gudubto wadamada soo koraya ama kuwa korey, waana halka ay taalo rajada iyo hanka wanaagsan. waana meesha ay Soomaaliya taagan tahay oo aan arkeyno waxaana rajaynaynaa inay sii wado horumarka ay Soomaaliya ku talaabsaneyso.

Xiriirka madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah waayahan mad madoow ayaa soo kala dhex galay adiga safiirkii Mareykanka ah waxaa la kulantay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, maxaa warbixin ah oo naga siin kartaa wixii ka soo baxay kulamadaasi?

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto

Danjire Yamamoto: “Wax walba waxa weeye in Soomaalidu tahay dad aad ugu wanaagsan, wada xaajoodka heerarkooda kala duwan way fiican tahay, taasi waayo waxaad difaacaysaa dantaada, marka hogaanka dowladaha xubnaha ka ah Federaallka waan la hadlay dhammaantood, waxaan isku dayaynay inaan u kuur galno, waqtigaan hadda ah waxaan haysanaa fursad aan ku sameyno wax wanaagsan, waxaan ula jeednaa waqtigaan dib uma helayno, waa inaan ka faa’iidaysanaa, waxaan rabno inaan sameyno waa in kala duwanaashaha aan hal dhinac ka noqono, waa inaan isku imaanaa oo aan u wada shaqeynaa wadajir, lana imaamo aragti  is dhaxgal ku dhisan, markaas waxaan dadka Soomaaliyeed dalkaba u sameyn karnaa inay ka faa’iidaan fursadaha waa weyn ee u imaanaya, kaliya ma aha Hey’adda lacagta iyo barnaamijka deyn cafinta ee Mareykanka taageerayo balse sidookale waxaan raadinaynaa in ay xuduuda gudbaan waxbarashad, horumarinta dhaqaalaha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, qof walba oo aan arkay  arintaan waxa uu arka aragti wanaagsan, waxaana isku dayaynaa in dhinac looga soo wada jeesto, waxaan u malaynayaa inay noqon doonto mid lagu guuleysto, Feberaayo 2020 waxaad arki doontaan horumar balaaran oo laga gaaray howlaha na horyaala, Mareykanka waxa ka go’an ilaalinta danaha dowlad goboleedyada ilaa heer gobol, waana in danahooda noqdaan kuwa la ilaaliyay sidookale waa in la wanaajiyaa xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, waayo dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waxay gacanta ku hayaan mustaqbalka Soomaaliya, marka ujeedooyinkoodu waa inay noqdaan mid isku jira oo is taageeraya midba midka kale”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *